4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maalintii saddexaad xiran

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Waxaa maalintii saddexaad xiran Waddada ka baxda KM4 ee gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib iska horimaad habeennimadii Jimcaha ku dhaxmaray halkaa ciidamo ka kala tirsan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

iska horimaadka labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay Askari ka tirsanaa ciidamada NISA iyo qof rayid ah oo la sheegay in uu ahaa Qarreen Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan isla ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kootaroolka iska horimaadku ka dhacay ayaa ah waddada  gasha Garoonka Aadan Cadde ee sii hormarta hotelka Jasiira oo inta badan ay adeegsadaan gadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa soconaya baaritaan arintan la xiriira oo aan wali wax natiijo ah laga soo saarin, inkastoo AMISOM ku adkeysaneyso dhinaca kale ay xaq u leedahay adeegsiga jidadka caasimada waqtigii ay doonnaan,  madaama la sheegay in iska horimaadka labada dhinac uu ka dhashay is hortaag ciidamada dowladda ku sameeyeen habeennimadii Jicmaha ciidamo ka tirsan AMISOM oo doonayay in ay ka gudbaan Koontaroolka Waddada gasha Airpor-ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]