4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka soo horjeestay taliyayaal iyo guddiyo la magacaabay

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL)-Xildhibaanadda Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxaa ay uga dooddeen magacaabista taliyayaal ciidan iyo guddiyo, iyaga oo isku raacay in ay shaqada ka joojiyeen taliyayayaashaa la magacaabay.

Sababta ugu weyn ee xildhibaanada u cuskadeen shaqo ka joojinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in Madaxweynuhu sifo sharci daro ah u maray magacaabista taliyayaasha oo aan waxba laga ogeysiin sida ay hadalka u dhigeen xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in marka hore ay aheyd in la magacaabo guddiyada Amniga, lana saxo qodobo ka mid ah Dastuurka oo ay sheegeen in Waare uu ku xadgudbay.

Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ayaa sheegay in maamulka in uu ku dhisan yahay Dastuur, loona baahan yahay talaabo walba oo la qaadayo in si nidaam ah lagu meel mariyo.

Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa dhinaca kala ku eedeeyay madaxda ugu sareysa maamulka iyo lataliyayaasha madaxtooyada in ay cuuryaaminayaan shaqada golaha Wasiirrada, iyaga oo qabanaya howlihii loo admaday xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]