Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Ciidamada AMISOM ayaa
leysku afgartay in ay qeyb ka noqdaan ciidamada xasilinta Caasimada oo markii
hore ka koobnaa Ciidamo ka tirsan Nabad sugida, booliiska iyo kuwa Milatariga.
Kulan shalay dhaxmaray Wasiiradda Amniga iyo taliyayaasha
ciidamada ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM qeyb ka noqdaan ciidamada
xasilinta ee ka howlgala Muqdisho.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow
Ducaale ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada
Xasilinta Caasimada ee howl galada ka wada Muqdisho.
Waxa uu mar kale ku celiyay Wasiirka Amniga Gudaha in aan la
ogoleyn gudaha Muqdisho gaadiidka ay saaran yihiin hubka culus iyo kuwa ay la
socdaan askara badan, waxa uuna tilmaamy in markan si adag loo dhaqan gelin
doono go’aankii Golaha Wasiirada.
Wasiirka Amniga Gudaha ma sheegin in ciidamada AMISOM
qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada yaala
gudaha Muqdisho iyo in ay ka qeyb qaadanayaan howlgalada gaarka ah.
Go’aankan ka soo baxay dowlada ayaa kusoo aadaya xili labo
habeen ka hor weerarro isugu jira ismiidamain iyo mid toos ah ka dhaceyn magaalada
Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Madaxtooyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]