4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in uu xoogga saarayo sugida Amiga Muqdisho

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu diyaariyay ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, si looga hortago Arbushaad dhacda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa sheegay in ay mudnaanta koowaad siinayaan arrimaha amniga, waliba si ka duwan sidii hore.

Wuxuu sheegay in ay wadaan Daraasad ah Darseynta oo ah degmooyinka ugu dhibka badan, casharada laga baran karo dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii shacabka loogu dhiiragalin lahaa in ay ka shaqeeyaan ammaanka.

Sidoo kale Eng. Yariisoow ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 2,200, kuwaasi oo dardar gelinaya Barnaamijka xasilinta oo sanadkii hore si xowli ah ku socday.

Wuxuu kaloo sheegay marka loo fiiriyo Dowlad Goboleedyada keliya in ay yihiin maamulka degmooyinkiisa dhammaan gacanta ku haya oo aysan ka baqeyn in Shabaab ay soo weeraraan magaalada, balse keliya ay walaac ka muujinayaan in si qaldan shacabka dhexdooda ay uga geystaan qaraxyo.

“Annaga qorshaha waxaa inoogu jira in dadka ay ka tashadaan aayahooda, in maqaamka magaalada la dhameystiro, waxaan rabaa shacabka in ay helaan xuquuqda ay leeyihiin, waxaan ka shaqeyneynaa sidii wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo laamaha ammaanka.

Eng. Yariisoow ayaa su’aal ka keenay sababta Shabaab ay Hargeysa iyo Garoowe uga fulin la’ yihiin Qaraxyo, keliya ay u beegsanayaan magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay taasi in loo baahan yahay in ay ogaadaan shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta Gaadiidka oo ku taalla degmada C/casiis, waxaana kulanka looga hadlay ammaanka Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]