9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Dowladda Ciraaq oo ku dhawaad 15 Haween Turki ah dil ku xukuntay

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL) – Dowladda Ciraaq ayaa lagu waramayaa in ay dil ku xukuntay ku dhawaad ilaa 15 haween Turki ah, kuwaa oo ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Ururka la baxday dowladda Islaamiga ah.

Maxkamad ku taala dalka Ciraaq ayaa sheegtay in haweenkan qirteen in ay dhaxeen sida ay maxkamadu hadalka u dhigtay rag ka tirsan Ururka dowladda Islaamiga ah, sidoo kale maxkamadu waxaa ay sheegtay in ay qirteen sidoo kale in ay weerarro ka qeybqaateen.

Dhawr dumara oo kale oo shisheeye ah ayaa mar hore iyagana dil lagu xukumay oo isla eedo kuwan la mid ah lagu oogay, kuwo kalena waxa lagu xukumay madaxaa ha ku furto.

Boqolaal dumar shisheeye ah ayaa lagu qabtay Ciraaq intii uu socday dagaalkii ay dawladdu kula jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka, waxaana haatan socota maxkamadayntooda.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunnadaa ku dhacay haweenkaas iyo sidoo kale hanaanka garsoor ee la mariyey oo waxaay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]