4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 26, 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka mamnuucday caasimada in lagu dhaxmaro hubka Waa weyn

 

Isniin, Feberaayo, 26, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid la dadaalaa dhaceysa sugida Amniga magaalada Muqdisho kaddib weerarkii kooxo hubeysan ka geysteen habeennimadii Jimihii ina dhaafay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa ciidamada millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waa weyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Wuxuu sheegay arrintan in uu kala hadlay taliyaha ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qaataan taliska millitariga.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka ayaa sheegay in aan la aqbali karin in magaalada ay noqoto furin dagaal oo lagu dhexsito Hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taasi bedelkeedana magaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

“Waxaan rabnaa millitariga Labada Shabeellaha marka ay soo galayaan magaalada Muqdisho in magaalada aan lagu wadan doonin Hubka waa weyn sida Daba-jeexa, Cabdi Bilaha iyo Qoryaha kale ee waa weyn.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 17-kii May 2017-kii xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Qori ka weyn AK-47, lana wadan karin ilaalo ka badan Afar Askari, taasi oo u muuqata in weli aysan dhaqan galin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]