4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2018
Xuska Maalinta Afka Hooyo oo Minnesota lagu qabtay

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL)–Xuska Maalinta Caalamiga ah ee afka hooyo  ayaa lagu qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana soo qabanqaabiyey Akadamiyada Afka Soomaaliga AGA & Meertada Afka & Suugaanta Soomaaliyeed ee Minnesota ,waxaana Sanadkaan Xuska Maalinta Afka hooyo ee sanadkaan marti galiyey xarunta harwanaag oo ah goob xafladaha iyo Shairarka lagu qabto.

Xuska sanadkaan waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida culumadda gobolka Aqoonyahano, Ardayda Jaamacada gobolka Minnesota ka barata Luuqada Soomaaliga, waxaana lagu soo bandhigay khudbado ka hadlaayey waxtarka Afka Hooyo,

Waxaana Sanadkaan hal kudhag looga dhigay kalmada ah AFKAAGA WAA AQOONSIGAAGA, intii wuu xuskaan socday ayaa waxaa ku soo bindhigay barnaamij ka hadlaaya qiimaha afka hooyo ardayda Jaamacada UofM oo isagu jiray Soomaali& Maraykan.


 

Sanadkaan waxaa xuska ka hadlay dad fara badan sida Prof. Saciid Salax, Eng. Cabdi M sulaymaan (Cabdi Dheere), Sh Cabdiraxmaan Shiikh Cumar, Macalin Kayd,iyo ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Prof. Cabdiqaadir Maxamed Shirwac hormuudka Jaamacada Gaa;kacyo oo booqasho gaaban ku jooga gobolka Minnesota.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN