4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre : Waa in ciidamadu u howlgalaan sugida Amniga magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka qeybgallay kulan ballaaran oo ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska ayaa kula dardaarmay laamaha Amniga dowladda in ay ka howlgalaan sugida Amniga magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgallay, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, NISA iyo Saraakiisha AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gaar ahaan dardaaran u jeediyay Ciidamada Xasilinta Caasimada in ay gutaan waajibaadkooda shaqso waxaana uu uga digay in ciidamada dhexdooda isku dhacaan.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ciidamada ammaanka inay dardar geliyaan howl galada amniga, lagana hortago weerarada cadawga sida uu yiri.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu amray in ay adeecaan Taliyeyaashooda, islamarkaana u dhega nuglaadaan amarada la siinayo.

Howl gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii jimcaha ay qaraxyo iyo weerarro toos ah lagu dilay illaa sodomeeyo ruux, kaasoo ay sheegatay Al-Shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]