4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2018
Xuska 150 Sano-Guuradii ka soo wareegtay maalinta Xoriyada Canada oo Muqdisho lagu qabtay

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) – Xuska 150 Sano-Guuradii ka soo wareegtay maalinta xoriyada dalka Canada ayaa lagu qabtay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb-gashay danjiraha dalka Canada u fadhiya dalka Soomaaliya Sara Hradecky, seddex wasiir oo haysto dhalashada dalka Canada oo kala ah wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan iyo Wasiirka duulista Hawadda Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar, Senator Shukri Cameey  iyo qaar ka mid ah Soomaalida heysata dhalashada dalka Canada ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Danjire Sara Hradecky ee uu fadhigeedu  yahay magaalada Nairobi oo khubad ka jeedisay xaflada ayaa siweyn ugu amaantay bulshada Soomaaliyeed hormarka ballaaran oo ay ka sameeyeen dalkaasi Canada iyadoo tusaale u soo qaadatay Wasiirka Jinsiyadaha islamarkaana ah xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Canada Axmed Xusseen oo ah shaqsi Soomaali ah oo markiisii hore Qaxootinimo ku tagay dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo muddo dheer degenaa dalkaasi Canada oo khubad ka jeediyay munaasabada ayaa dowladda Canada uga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeysay dadka Soomaaliyeed madaama dalka Canada uu ka mid dalalka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee qurbaha tagtay xilliyadii burburka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Canada ka mid tahay dowladdaha is barbartaagay Soomaaliya waqtigyadii adkaa, islamarkaana uga mahad celinayaan ka dowlad ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan dib u soo kabashada dalka Soomaaliya.

Soomaalida ku dhaqan dalka Canada ayaa lagu amaanaa in ay hormar ballaaran ka sameeyeen dhinacyada Ganacsiga iyo Siyaasada qaarkoodna  dalka dib ugu soo laabtay , kuwaa oo hadda ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]