4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya iyo ganacsato Turki ah oo gaaray Kismaayo


Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL)–Wafdigan oo uu horkacayay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Eng. Saadaq C/laahi Cabdi islamarkaana ay qeyb ka ahaayeen safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar, Madax ka socotay midowga dowladaha hoose ee Turkiga iyo ganacsato u dhalatay dalkaasi ayaa soo gaaray Kismaayo.

Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere), wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland, Masuuliyiinta maamulka gobolka J/hoose iyo kan degmada Kismaayo iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Kismaayo.

Wafdiga ayaa imaatinkooda kadib warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada ee Garoonka.

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ayaa uga mahadceliyay wafdiga uu horkacayo wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo, isagoo sheegay in Jubbaland ay kamid tahay gobollada ugu kheyraadka badan ee dalka, sidaa darteed ay rajeeynayaan in xubnaha booqashada ku yimid ay arki doonaan kheyraadka Jubbaland.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u yimaadeen sidii ay iskaashi iyo wadashaqeyn dhinacyada horumarka ah ula yeelan lahaayeen dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxa uu xusay in wafdigooda ay qeyb ka yihiin Ganacsato iyo xubno ka socda dowladaha hoose ee Turkiga, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay qorsheeynayaan in ay isku xiraan dowladaha hoose ee Turkiga iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka howlaha guud ayaa hore u shaaciyay in dowladdu wado qorshe lagu mideeynayo magaalada Antalia ee Turkiga iyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.