4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2018
Khadra X GAYDH“ Xilka madaxweynaha ii magaacaabay waan ka cudur daartay arrimo ii gaar ah awgeed”

 

Axad,Feberaayo 25,2018  (HOL)- Guddoomiye ku xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Khadra Xaaji Gaydh ayaa sheegtay inay iska casishay xilkaasi loo magacaabay.

Khadra Xaaji Gaydh oo maanta xilkii agaasimaha Madaxtooyadda ku wareejisay agaasimaha cusub ee madaxtooyadda Maxamed Cali Bille ayaa munaasibada ka sheegtay in xilkii kale ee madaxweynuhu u magacaabay ka cudur daaratay inay qabato.

“Xilka madaxweynuhu ii magacaabay waan ka cudur daartay arrimo ii gaar ah awgeed, waana u sheegay madaxweynaha in aanan xilkaasi qabanayn”ayey tidhi Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Mar la waydiiyey sababta xilkaasi u diiday inay qabato ayaa sheegay inay jeceshahay inay siyaasada kor uga socoto ee aanay hoos ugu socon, sidaas darteed aanay doonayn inay ku xigeen ka noqoto hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland.

“Xilkaasi waan isku garan waayey waxaan ahay gabadh siyaasada soo gashay 15 sanno ka hor wakhtiyadii xisbiyadda la furey, waxaana jecelahay in aan siyaasada kor uga socdo ee aanan hoos uga socon, hanka igu jira halkan aan joogay kumaan qanacsanayn meel ka saraysa mooyee, wax dhibaato ah oo na dhex taalla ma jirto madaxweynaha aniga uun baa isku garan waayey xilkaasi”ayey tidhi Khadra Xaaji Gaydh.

Khadra Xaaji Gaydh ayaa ah haweenay xilal kala duwan ka soo qabatay Somaliland, waxaanay siyaasada ka soo gashay golaha deegaanka ee degmadda Gabiley oo ay xildhibaan noqotay, ka dibna ku xigeenka maayarka Gabiley noqotay, markii dambana maayarka Gabiley ayey u dalacday, waxaana markii dambe madaxweyne Siilaanyo u magacaabay agaasimaha madaxtooyadda, iyadoo khamiistii dhowaa loo bedelay inay ku xigeen ka noqoto hay’ada Tayada oo ay hada iska casilay ka dib markay u aragtay in xilkaasi aanay u qalmin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.