4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Francisco Madeira oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) - Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay labadii qarax ee maalintii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 40 ruux.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraha ayaa lagu sheegay in uu ka tacsiyeeynayo dadkii ku dhintay weerarka oo looga gon lahaa ayuu yiri, in lagu argagixiyo bulshada.

AMISOM waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkan, waxaa ayna mar kale dib u xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay si dhow ula shaqeyso ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si Soomaaliya looga xorreeyo xagjirka iyo argagixisada - ayuu yiri Madeira.

Danjiraha ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadlay iska horimaad ay ku lug lahaayeen ciidamada Midowga Afrika oo ka dhacay bar kontorool oo ku taalla KM4, oo ay ku dhinteen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda dhaawacyana soo gaareen dad rayid ah.

Ciidamada dawladda ee ku sugaa halka uu iska horimaadku ka dhacay ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ku wargaliyeen in ay maraan waddo kale oo loo asteeyay, kadibna uu murann dhashay taasi oo keentay in rasaas la furo.

Madeira oo oo ka hadlay dhacdadaas ayaa sheegay in ciidamada AMISOM oo qaaday dad ku dhaawacmay weerarka Al-Shabab ay ku lug yeesheen dhacdo ka dhacday bar-kontarool ay leedahay NISA oo u dhow KM4.

Waxaa uu sheegay in dhacdadaasi haatan baaritaan ay ku wadaaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM, mana bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]