4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Amiirka Qadar:Suuriya waxaa ka socda danbiyo ka dhan ah Aadminimada”

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) - Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Xamad Al Taani ayaa ku tilmaamay dagaalka ka socda bariga Ghouta ee duleedka Dimishiq danbi ka dhan ah Aadminimada.

Sheikh Tamim oo fariintaan soo dhigay bartiisa Tuwitter ka ayaa yiri “ilaalinta dadka rayidka ah ee Suuriya waa masuuliyad saaran beesha caalamka, oo aan indhaha laga qabsan Karin.

Dhanka kale wasaaradadda arimaha dibadda ee Qadar ayaa cambaaraysay duqaymaha  xagga cirka ah iyo xasuuqa ka socda  magaalada Ghouta, wuxuuna war murtiyeedku hoosta ka xariiqay laguna yiri “Xalka kaliya ee looga bixi karo dhibaatada bani’aadminimo ee Suuriya waa  wadahadal iyo in la helo xal siyaasadeed.

Bayaan ay faafisay Wakaaladda wararka Qadar ayaa Wasaaradda Arimaha dibadda ee dalkaasi ka dalbatay Beesha caalamka in dhaqso wax looga qabto,lana qaado tallaabooyinka ku habboon sidii loo joojin lahaa danbiyadaasi dagaal ee ka socda Suuriya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray go’aan ku baaqaya in Suuriya oo dhan laga dhaqan geliyo xabad joojin aadaminimo oo soddon maalmood ah,Labada kooxood ee ugu waawayn falaagada Suuriya ee gacanta ku haysa Bariga Ghuata ayaa soo dhaweeyey qaraarka Golaha Ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]