4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Xafladda isku aadka Kooxaha ee ciyaarta xagaaga ayaa lagu qabtay Columbus ( Ohio International Spring Cup 2018 )


Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL)–Xafladdan oo loogu talo galay isku aadka ciyaaraha xiliga xagaaga ee sanadkan 2018 ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ayadoo ay ka soo qeybgaleen dhalinyaro aad u badan oo ka mid ah ciyaartooyda iyo tababarayaal Soomaali ah, qaar kamid ah dhalinyarada ayaa ka yimid goboladda kale ee dalkan qaarkood si ay qeyb uga noqdaan qorituurkan.

Waxaa ka so qeybgalay Columbus City Council  Emmanuel V.Remy  oo ku tilmaamay Sportska waxa kaliya oo dhalinyarada u horseedi kara wanaag iyo in ay ka helaan xirfad iyaga oo ka weecanaya wadiiqooyinka xun xun, waxa uu muujiyay sida ay uga go'antahay xafiiskooda in uu dhalinyarada ka garabsiiyo qabsoomida barnaamijyada noocan oo kalaa.

Monica Hawkins oo ah looyarad  ka tirsan Maxkmada Franklin County ayaa iyana dhankeeda ka qeyb qaadanaysay sidii loo dhiirogalin lahaa dhalinyarada.

Burhan Ahmed oo ah Nin dhalinyaraa oo u ololeeya arimaha Bulshada isla markaana la shaqeeya qeybo ka mid ah laamaha caafimaadka iyo qareeno ayaa dhankiisa waxa uu si weyn u tilmaamay dhibaatada dhalinyarada ku haysta gobolkan iyo in sanad walba ay dhintaan dhalinyaro, kuwaas oo laga bad baadin karay hanaanka qaldan ee ay noloshooda u wajaheen, waxa uuna ugu baaqay dhalinyarada iyo jaaliyadaba in la iska kaashado samatabixinta dhalinyarta Soomaaliyeed ee ku nool Ohio.

Ali Seedoow oo ah Tababare ciyaarta kubada Cagta isla markaana ah madaxa Barnaamijkan ( Ohio International Spring Cup 2018 ) ayaa sheegay in waqtibadan ay soogaliyeen barnaamijkan iyo in ay ugu talogaleen in dhalinyarada loo abuuro xiliyo ay nolosha shaqada iyo schoolka uga nastaan ciyaaraha halkii ay aadi lahayeen meel qaldan.

" Dhalinyarada hadaan la mashquulin oo aanan u abuurin barnaamijyo noocaan ah waxaa ashquulin doona kuwo aan wanaag iyo jiritaan u ogoleey " ayuu yiri Ali Sedoow oo intaa ku daray in uu shaqsiyan mudo soo tababarayay Kooxo dhainyaraa iyada oo ana cidina dhaqaalo ku siinayn ilaa iyo iminkana uu diyaar u yahay howshaasi.

Farhan Abdi oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dhalinyarada gobolka Kintucky ayaa dhankiisa waxa ka sheekeeyay howlaha ay dhalinyro ahaan ka hayaan Kintucky iyo ay jiraan Kooxo aad u badna oo ciyaara Kubada Cagta kuwaas oo sanadkan ka qeyb qadan doona ciyaaraha xagaaga ee sanadwalba lagu qabto Columbus Ohio.

Kowsar oo kamid ah dhalinyarada Columbus ku nool ayaa dhalinyarada ku dhiirogalisay howsha ay qabteen iyo sida ay iskugu xiranyihiin una doonayan in ay kuwa kale ugu yeeraan wanaaga, "Kubadu waa isku xiraha dhalinyara ayay tiri Kowsar"

Intabadan dadkii ka hadlay Qorituurka ayaa ka sinaa sida dhalinyarada ay muhiim ugu tahay Ciyaarta kubada taas oo Maskax ahaan, Jir ahaan, iyo dhaqan ahaanba  ka ilaalinaysa.

Sanadwalba xiliga xagaaga waxaa Columbus soo buux dhaafiya dhalinyaro ka kala timaada Meelo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaata ciyaaraha xagaaga oo socda sadex cisho

Deeqo Shire (SONNA)