4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Erdogan oo booqanaya Afar waddan oo ka tirsan Africa

 


Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta maalmo wuxuu ku bixin doonaa afar dal oo Africaan ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa booqanaya dalalka kala ah:- Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda wadamadaas uu kala hadli doono arimo kala duwan oo laba dalka ay dan ugu jirto.

Safarka Erdogan ayaa saameyn kala duwan ku yeelanaya wadamadaan Qaarada Afrika dhaca, wuxuu ku horeyn doonaa wadanka Algeria oo uu tagayo 26ka bishaan, waana markii labaad oo maadxweyne Turki ah uu tago wadanka Algeria, dhankale wadamada Mauritania iyo Mali ayaa noqon doonta booqashada uu ku tagayo tii u horeysay ee Madaxweyne Turki ku tago dalalkaas.

Safarka Madaxweynaha Turkiga uu ku bixinaayo afartaan wadan oo dhaca Qaarada Afrika ayaa waxaa shaaciyay madaxtooyada wadankaas Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]