4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
OIC oo ka hadashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) - Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa war kasoo saaray Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho habeen hore ayaa waxa ay sheegeen in aysan sameyn ku yeelan doonin Howlaha Xasilinta ah ee ay waddo xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay OIC in Xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay dar-dargeliso dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud OIC Dr. Yusuf Al-Othaimeen ayaa sheegay in Ururka OIC oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay in ay sii laba jibaari doonaan taageeradda ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo caawin lahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho, islamarkaana ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayeysan.

Ku dhawaad 40 ayaa ku dhintay weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo habeen hore ka dhacay Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray rayid, askar ka tirsan dawladda iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]