4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Puntland oo ka digtay in la qabto shirar uusan ogeyn maamulka

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) – War Qoraal ah oo ka soo baxay dowlad gobolleedka Puntland ayaa lagu mamnuucay qabashada shirar uusan ogeyn maamulka.

Maamulka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Puntland ay ka dhacayeen shirar ka dhan ah dowlad gobolleedka Puntland.

Puntland waxa ay sheegtay in shir aysan ogeyn gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland in aan marnaba lagu qaban karin magaalooyinka Puntland.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]