4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
Golaha Ammaanka oo si buuxda isugu raacay xabad joojin 30 cisho ka dhaqan gasha Suuriya

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si buuxda isugu raacay qaraar lagu dalbanayo xabad joojin socon doonta muddo 30 cisho ah oo ka dhaqan gasha Suuriya, xilli dagaalada iyo duqeymaha ka socda dalkaas ay sii xoogeysteen todobaadyadii u dambeeyay.

15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan, kaasoo ogolaanaya in la gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo iyo mid caafimaad goobaha colaada ka jirto.

Cod u qaadida qaraarkan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay illaa khamiistii, iyadoo xubnaha Golaha Ammaanka ay ku guuldareysteen inay wax heshiis ah ka gaaraan.

Ruushka oo xulufo la ah Suuriya ayaa doonayay inuu is bedel yimaado, hase ahaatee Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu waqtiga luminayo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in xaalada ka jirta bariga Ghouta inay la mid tahay sida Dhul Naar oo kale.

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo xabad joojinta.

Arrintan ayaa imaaneysa muddo todobaad oo bariga Ghouta oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka ay ku socdeen duqeymo xad-dhaaf ah oo dowladda Suuriya ku heysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]