4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 25, 2018
AMISOM oo War ka soo saartay dilkii ay u geysatay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

 

Axad, Feberaayo, 25, 2018 (HOL) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa War ka soo saaray dilkii habeen hore ay magaalada Muqdisho ugu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool.

Falka dilka ah ayaa waxaa geystay ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gen Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay markii ay loo diiday in maraan wadada, islamarkaana ay waceen taliyeyaasha Hay’adda Nabad suggida ee halkaasi heystay.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhexmartay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah.

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isku dayay in ay maraan barta Kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka, waxaana is hor istaag ku sameeyay Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya.

AMISOM Waxa ay sheegtay in falka ay sameeyeen ciidamadooda uu u muuqday mid Isdifaacid ah.

Qaar ka mid ah Eheladda Askariga ay dileen ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno Askartii ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay.

Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin falkan ku gardarooshada ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM, sida la ogson yahay AMISOM waa u caado iyo dhaqan in ay dil bareer ah u geystaan dadka shacabka ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]