Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir wadatashi ah u qabatay Shirkadaha Isgaarsiinta
Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) -Wasaaradda
Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u
qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu
habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay
sanadkii hore.
Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan
yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda
hannaanka dhismaha koowaad.
Maamulaha Machadka Heritage, C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay
shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala
talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta
haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo
aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo
bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan.
Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha,
golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa
kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday
in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Eng Cabdi Cashuur Xassan,
ayaa u sheegay ka qeyb-galayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay
mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin
lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta
macaamiisha iyo dalkaba.
Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka
qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira
dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii
lagu guuleystay ee ansixinta sharciga.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Cabdi Sheekh Axmed oo dhawaan uu golaha Wasiirrada
ansixiyay in uu noqdo Maareeyihii ugu horreeyay ee hay’adda Isgaarsiinta
Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha
wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in
wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona hay’adda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]