4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Gabadh sagaal jir ah oo Gaalkacyo lagu soo kufsaday oo Cisbitaalka Burco ku geeriyootay

 

Sabti, Feberaayo, 24,  2018 (HOL) – Gabadh yar oo sagaal jir ah ayaa u geeriyooday kufsi uu ku sameeyey ninkii qabay hooyadeed. 

Gabadhan yar ayaa magaceeda la odhan jirey Xaleemo Cabdisaaq Salaad, waxaana falkani ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ka dib markii ay inanta yar aad u xanuunsatay ayaa loola soo cararay cisbitaalka Burco, kaasi oo cadeeyey in gabadha yari kufsi u geeriyootay.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer, Eheladda dhashay Inanta yar iyo hooyadeed ayaa ka hadlay dhacdadan naxdinta leh ee loo gaystay inantan yar ee sagaal jirka ah, waxaana muddo laba iyo toban cisho maydkeeddu yaalla cisbitaalka oo lala sugayey eheladoodii oo ka imanayey Muqdisho.

Eheladdda inantan yar ayaa sheegay inay ka yimadeen magaladda Muqdisho, waxaanay sheegeen in inantaasi yar uu kufsaday ninkii hooyadeed qabay, kaas oo hadda ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Burco.

“16,2,2018 ayaa dhacdo fool xun la noo soo sheegay, waxaanu ka nimid Muqdisho, waxaana Burco u nimid inantaasi yar ee aanu ehelka nahay oo 12 cisho maydkeedu ku jiro qaboojiyaha cisbitaalka, waxaana xukuumada Somaliland ka codsanayna in inantar na loo aaso oo sharciga la hor geeyo cidii falkaasi samaysay”ayuu yidhi oday sheegay inuu inanta yar adeer yahay.

Gabadha uu qabay ninkan kufsiga loo haysto ee Fadxiya Maxamed Salaad oo gabadhan geeriyootay dhashay ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu u cadaysay inay kufsi u geeriyooday, waxaanay tidhi “ waxaan cadaynaya in aan gabadha aan dhalay ku geeriyooday Burco, gabadhaasi oo aan u keenay kaadida oo haysa, dhakhtarku wuxuu cadeeyey in kufsi ku yaallo, dawlada Somaliland waxaan ka codsanayaa in falkaasi cidii gaysatay talaabo sharci ka qaadaan.”

 

Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa sharaxay waxa uu ka og yahay dhacdadan naxdinta leh, waxaanu yidhi “Mucsji aynaan maqal oo dunida maqalkeedu ku yar yahay ayey niman la soo galeen Burco oo nin Kaalkacyo ka yimid uu kufsi ku sameeyey inan yar oo uu hooyadeed qabo, inantoo sakaarad ah oo uu maydkeeda soo fogaynayo ayuu keenay Burco, dhakhtarkii wuxuu ogaaday in kufsi iyo garaacis la iskugu daray ay sabab u ahayd xanuunkeedda, dhakhaatiirtay way ku amreen in inanta yar cidii dhashay ay keenaan, ninkii kufsiga loo haystay intuu nootaayo soo qortay buu yidhi aniga inanta dhallay, dhakhaatiirtii way ku qanci waayeen inuu inantaasi dhallay, arrintaasi sidaas ayey ku fashilintay waxaana imika inanta kiiskeeda gacanta ku haya C.I.D iyo dhakhaatiirta, maydkeena mudadaasi ayuu yaallaa, inankii kufsiga loo haystay wuu xidhan yahay, Gabadha inanta dhashay waxay tidhi inantan yar nin kale ayaan u dhalay gabadha lafteeda dhaawacyo ayuu u gaystay marka arrintaasi maxkamada ku jirta”

Badhasaab ku xigeenku waxa uu sheegay in arrinta ninka xidhan loo haysta tahay fal uu Kaalkacyo ku soo sameeey iyo been abuur uu sameeyey oo uu sheegtay inuu inanta yar isagu dhallay si uu si fudud iskaga aaso.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland