4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) - Maareeyihii hore ee Telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Maxamed Cukule ayaa sheegay in aanu wasiirka Warfaafinta xil ka qaadi Karin maadaama oo wareegto madaxweyne xilka loogu dhiibay.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo uu xilka ka qaaday maareeyihii Telefishanka Qaranka,isla markaana uu ka dhigay agaasime waaxeed hoostaga wasaaradda warfaafinta, halka markii hore ka ahaa in Telefishanka Qaranku ka madax banaan yahay wasaaradda warfaafinta.

“Anigoo maareeyaha Telefishanka ayaa la isku soo daray liis uu wasiirku isku shaandheyn ku sameeyey taas oo layaab igu noqotay, dadka waxa kala haga waa sharci, aniga madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa xilkan isoo magacaabay, illaa iyo hadana ma jirto wareegto ka soo baxay madaxweyne Muuse Biixi iga soo gaadhay oo xilka la igaga qaaday iyo in Telefishankii qaranka laga dhigay waax ka tirsan wasaaradda warfaafinta”ayuu yidhi maareeyihii Telefishanka qaranka Khadar Cakule.

 

Khadar Cakule ayaa sheegay iin aanu wasiirku awood u lahayn inuu xilka ka qaado,isla markaana sheegay in uu wasiirku ku talaabsaday sharci jabin maadaama oo labadooduba wareegto madaxweyne xilka ku joogaan.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Cabdiraxmaan Guri barwaaqo, ayaa ka jawaabay eedda loo soo jeediyey, waxaanu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu sameeyey xeer nidaamiye tilmaamaya hay’adaha la isku daray iyo kuwo kala madaxa banaan, waxaanu xusay in Telefishanka wasaaradda la hoos keennay wasaaradiisa.

“horta madaxweynaha magacaabay madaxweynihii hore ee maamulkiisa tagay weeyi, dawladiina way la tagtay waxa la sameeyey xeer nidaamiye cusub waxaana ku cad in Telefishanka qaranku hoos yimaado wasaaradda Warfaafinta, xeerkaasi ayaa sheegay inuu maareeyihii hore meesha ka baxayo, waxaanu telefsihanku noqday waax ka tirsan wasaaradda”ayuu yidhi Guri barwaaqo.

Si kastaba ha ahaatee, intii xukuumadan cusub timid waxa la isku dardaray hay’ado kala madax banaan halka wasaaradana loo bedelay hay’ado madax banaan, taas oo loo sameeyey xeer nidaamiya hay’ad kasta oo dawladda ah shaqadeedda iyo awoodeedda tilmaamaysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.