4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Xaalad Abaareed iyo caafimaad oo aad u daran oo ka taagan degmooyinka Xuddun iyo Taleex

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) - Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool Axmed Maxamed Daadey ayaa sheegay in dhibaato adag ay ka taagan tahay degaano badan oo ka mid ah degmooyinka Xuddun iyo Taleex.

Daadey oo safar ku tegey degaanadaas qaar ka mid ah ayaa HOL uga waramay xaalad adag oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, iyadoo uu sheegay in dhibaatada ugu badan ay tahay hada biyo la'aan baahsan.

"Waxaan soo maray degaano ay ka mid yihiin Xuddun, Lafweyne, Laasacurdan, Holol iyo degaano kaleba, waxaana odhan karaa xaalada haatan dadka degaanadaas degani ay tahay mid aad u adag, ceelashii lagu baxsan jirey ee ay ka mid ahaayeen ka Awrboogays iyo Lafweyne labaduba waa xumaadeen dad iyo duunyoba waxay la yihiin waxay cabaan" ayuu yidhi Axmed Daadey.

Sidoo kale waxaa degaanadaasi laga soo sheegayaa xanuuno aad u aafeeyey dadka degaanadaas oo ay ka mid yihiin Jadeeco, Busbus iyo xanuuno kale oo dadka degaanadaas dhibaato ku haya sida uu Dr, Axmed Cali oo ku sugan Xuddun HOL u sheegay.

"Heerka ay marayso jadeecada waxaan ka soo qaadan karaa sadex wallaalo ah oo dhowaan ku dhintay maalin iyo habeen magaalada Awr-boogays, runtiina aafada uu xanuunkaasi ku hayo degaanka lama tira koobi karo oo dadku way aasayaan wixii ka dhinta laakiin xogaysi badan aan samaynay aad buu u badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa bilaabmay xaalad kale oo adag iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay dad iyo duunyoba saameeyeen abaaro isdabajoog ah hawgu sii daraado sanadkii u danbeeyey oo ay caydhoobeen kumanaan qoys oo hada duleedka magaalooyinka degan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool