4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Baarlamanka Jubbaland oo meelmariyay gudoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland


Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL)–Barlamaanka dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta yeeshay kalfadhiga afaraad, fadhiigiisi 41-aad oo maanta ay soo xaadireen 44 xildhibaan, ayaa waxaa shir gudoominayey  gudoomiyaha barlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan waxaana lagu ansixinayey gudoomiyaha maxkamadda sare  iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Jubbaland.

Gudomiyaha maxkamada sarre Jubbaland  Cabdishakur Ibraahim Cabdi iyo xeer ilaaliyaha guud Jubbaland maxamed Cisman Ismaaciil ayaa golaha shacab ka hor sheegay Tarikhdooda waxbarasho iyo tan shaqaba.

Barlamaanka jubbaland ayaa  gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee  Jubbaland  ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin wax ka amuusay.

Natiijada ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay gudoomiyaha gudiga habdhowrka baarlamanka Jubbaland Bashiir Max'ed Baahale.

Dhinaca kale, Kulankii baarlamanka ee maanta ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan C/raxmaan Xasan Axmed oo badali doona kursigii uu ku fadhiyay Xildhibaan Max’ed Cali Yuusuf oo ay baarlamanku xilka ka qaadeen kadib markii ay ku eedeeyeen in uu jabiyay xeerarka baarlamanka, kuna kacay ficillo ay sheegeen in ay dhalin karaan kicin shacab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.