4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Khilaaf ka dhashay doorashada mid ka mid ah Kuraasta ka bannnaan baarlamaanka

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) - Khilaaf sababay dib u dhac ayaa ka dhashay doorashada mid ka mid ah Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo maanta lagu wadday in Muqdisho lagu qabto doorashadiisa.

Qaar ka mid ah Ergooyinka ayaa bilaabay Buuq iyo sawaxan markii ay bilaabatay doorashadda sidda ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka.

Kursiga ka bannaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartami lahaa musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo musharax Faatax Saciid Xassan, laakiin buuq kaddib doorashadii dib ayaa loo dhigay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Ismaaciil ayaa warbaahinta u sheegtay in dib loo dhigay doorashadda Kursigan.

Waxaa ay sidoo kale ay sheegtay in ay dib ka soo sheegi doonaan xilliga ay dhaceyso doorashadda kursigaasi, maadaama Ergooyinka ay jabiyeen Sharciga doorashadda.

Maalmihii ugu dabeeyayba guddiga doorashooyinka ayaa waday buuxinta Kuraasta ka bannaan golaha Shacabka, waxaana lagu waddaa in magaalada Cadaado lagu qabto Kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]