4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Isbitaalada ku booqday dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa xalay saqdii dhexe booqday Isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwo is xigay oo ka kala dhacay labo goobood ayaa waxaa dadka ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaaray ay ahaayeen dad rayid ah.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.

“Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.

Ku dhawaan 30 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadii shalay gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]