4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 24, 2018
Wariye Axmed Xassan Colaad oo ku geeriyooday Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) – Waxaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada Muqdisho Wariye Axmed Xassan Colaad oo muddo dheer ka shaqeynayay Idaacada VOAda.

Geerida Wariye Axmed Xasan Colaad waxaa Idaacadda waxaa warbaahinta u sheegay qaar ka mid ah Eeheladiisa, waxaana saakay socoto qaban qaabada Aaskiisa.

Wariye Colaad ayaa la sheegay in uu waayadii ugu danbeeyayba uu ka sheeganayay xannuun qeybaha sare oo jirka ah, hasse ahaatee xalay ayeey sheegeen Eeheladiisa in uu ku soo booday xannuun deg deg ah, taasoo keentay in uu u geeriyoodo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]