4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Weerarradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) – Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ku guuleysteen ay fashiliyaan weerar ay soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis xildhibaan ayaa sheegay in ay ciidamada dowladda toogasho ku dileen ilaa Shan ka tirsan xoogaggii weerarka soo qaaday kuwaa oo isku dayay in ay jiiraan ciidamada ilaalada madaxtooyada

“Ciidamada ammaanka waxay ka hortageen, khasaaraha badan ee ka dhalan lahaa weerar ay soo qaadeen Al-shabaab, weerar ayeey ku soo qaadeen waddada Sayidka, Qaraxyo ayaa jiray intii uu weerarka socday oo ka kala dhacay Hotelka Dorbin iyo Dhagaxtuur, ciidamada waxay ku guuleysteen in ay dilaan Shantii Nin ee weerarka soo qaaday” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan

Waa weerarkii ugu cuslaa ee ka dhacay caasimada maalmo uun kaddib markii ay dowladda magacaawday taliyayaasha ciidamada Nabad-sugida iyo Booliiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]