4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2018
Tirada dhimashada oo gaartay 30 ruux weerarro iyo qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 24, 2018 (HOL) – Tirada dhimashada ayaa guud ahaan marka la eego gaartay 30 ruux Qarax iyo is arasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, Rayid, Askar iyo xoogag ka tirsanaa Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradaasi oo ay sheegtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa madaxtooyada iyo xarunta nabadsugidda qaranka.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]