4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Iska horimaad Ciidamada NISA iyo AMISOM ku dhexmaray agagaarka KM4



Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) - Ayada oo seddex qarax ay cawada ka dhaceen, xabaddo goos-goos ahna laga maqlayey magaalada Moqdisho, ayaa waxaa iska hor-imaad u dhexeeya AMISOM iyo ciidamada NISA ku dhex-maray gagaarka KM 4 ee wadada Airportka.

Laba wiil oo ka tirsan ciidamada NISA ku geeriyooday markii Ciidamada AMISOM ay xabado ku fureen ka dibna xoog ku mareen xaruun ay hay'adda NISA ku leedahay wadada aada Airportka. Xabadaha ay is-dhaafsanayeen ayaa aad looga maqlayey agagaarka KM4. Ilaa iyo ma cadda qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, shan ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay agagaarka Siyadka, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda dagaalka ku soo qaaday magaalada Muqdisho.

Qaraxyadii cawada ka dhacay magaalada Muqdishu Ayaan wali caddeyn qasaarihii halkaas ka dhacay, ayada oo ay jiraan dhaawacayo la geeyey isbitaalada magaalada Muqdisho.