4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Khasaaraha Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa wali cakiran kaddib qaraxyo iyo is rasaaseyn maqribnimadii caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada oo weerar ka geysteen kooxo hubeysan.

Inta la xaqiijinayo 18 ruux ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay KM-0 halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen shaqaalaha gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta tagay.

Laakiin dhinaca agagaarka madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Siyadka oo iska horimaad culus uu ku dhaxmarey ciidmada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan lama oga khasaaraha ka dhashay, madaama aysan awoodin shaqaalaha caafimaadka in ay tagaan.

Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya iska horimaadka ka dhacay agagaarka madaxtooyada uu sababay khasaare dhimasho oo soo kala gaaray dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray.

Al-shabaab ayaa durbaba sheegtay mas’uuliyada weerarkan iyaga oo intaa ku daray in dabley iyaga ka tirsan wali ku sugan yihiin agagaarka halka lagu dagaalamayo.

Ilaa iyo hadda dowladda wax war ah kama aysan soo saarin weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]