4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Qaraxyo iyo rasaas is xigta oo laga maqlay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan iyo rasaas waqtigan ka dhaceysa Isgoyska Sayidka, waxaana lagu waramayaa in is rasaaseyntan u dhaxeyso ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Lama oga sababtay is rasaaseynta labada dhinac, hasse ahaatee warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iska caabinayaa maleeshiyaad hubeysan oo isku dayay in ay xoog ku jiiraan ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya  oo goobta ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa qarax xoogan laga maqlay agagaarka hotelka dhawaantan uun la furay oo lagu magacaabo Doorbin hotel.

"Ilaa hadda inta aan ognahay waxaa maqalnay hal Qarax oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada, iyo mid kale oo ka dhacay meel ku dhaw hoteel caan ah, ciidamada nabad-gelyada ayaa jooga goobta wax ka dhaceen" ayuu yiri Major Mohamed Ahmed oo ah sarkaal  ka tirsan ciidamada Booliiska oo la hadlay HOL.

Qaraxyadan ayaa dhacay maalin kaddib markii ay golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya  uga digeen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gadiid qaraxyo sida oo ku jira gudaha caasimada.

Lama oga halka uu bartilmaameedka qaraxa ahaa waxaana xiran gabi ahaanba goobta ay is-rasaaseynta iyo qaraxyadu ka dhaceen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa….

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]