4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Degmada Buula-burte oo laga sameeyay Olole lagu ogaanayo nooca dhiiga qofka

 

Jicmo, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Ololahan oo lagu magacaabo ‘’Ogow nooca dhiiggaaga Adiga oo Caafimaad Qaba ‘’ ayaa waxaa ka qeyb qaatay inta badan bulshada ku dhaqan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Ujeedada laga leeyahay Ololaha caafimaad ayaa lagu sheegay in aan dhib badan lagala kulmin marka dhiig loo baahdo lana helo dad arintan u diyaarsan oo mar horeba la sii ogaaday nooca dhiiggooda.

Cabdi Daahir Guure guddoomiyaha degmada Buula-burte oo laftirkiisa qeyb ka ahaa dadka la ogaaday nooca dhiiggooda ayaa sheegay in markii ugu horeeysay mudo ka badan 20 sano ah ololahan laga sameeyey maanta degmada Buulo Burde waxaana uu intaa ku daray in nasiib ay u yeesheen shacabka degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideeystaan ololahan oo si lacag la’aan ah bulshada looga faa’ideeynayo hada.

Soomaaliya guud ahaan marka la eego bixinta dhiigga waa caqabad weyn oo caafimaad, madaama marka ay dhacaan dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dagaallada iyo Qaraxyada isbitaalladu waqti badan ku bixiyaan is waajinta dhiigga dhibanaha iyo qofka dhiigga ku deeqaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]