4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Wasiir Maareeye : Waan tagayaa haddii aan daacad laga noqon wada hadallada Soomaaliland

 

Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  sheegay in xilka uu ka hayo dowladda Soomaaliya uu ka tagayo haddii aan daacad laga noqon sida uu hadalka u dhigay Wadahadallada lala galayo Soomaaliland.

‘’Anniga waxaan ahey wakiil u taagan midnimada, laakiin dalkii iyo dadkii waa leyga heystaa ogaadaa, sidaa daraadeed haddii aan daacad laga noqon wada hadallada oo wax la sii dhagrayo Anniga waan tagayaa ogaada, waa in daacad laga yahay wada hadalladaas, waa in daacad laga yahay in Soomaaliland ku timaado wada hadal ku dhisan is faham iyo heshiis wax wada qeybsi oo aysan ku iman maamul mucaarad ah oo halkan laga sameeyo’’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu ka digayo in la bur buriyo sida uu hadalka u dhigay wada hadallada socda, isaga oo sheegay in xiligan aan la oran karin Soomaaliland ayaa ka qeybqaadaneysa doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda 2020.

‘’Markaad Koonfur nabadeysaan, marka doorasho noo saamaxdo in ay dhacdo, markaas kaddib ayeey dadkan u taagan midnimada ka qeybqaadan doonnaan dowladnimada, laakiin inta ka horeysa ma dhihi karno Soomaaliland ayaa gobolka Banaadir ku soo xareyneynaa oo doorasho galeysa’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay miisaaniyada loogu talagalay wada hadallada Soomaaliland, isaga oo sheegay in miisaaniyada loo qondeeyay wada hadallada labada aan la aqbali karin.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili labada dhinac dowladda federaalka iyo Soomaliland isu diyaarinayaan in dib loo bilaabo wada hadalladii horay u socday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]