4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay maxaabiis laga sii daayay Xabsiga Jigjiga

 

Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay dowlad deegaanka uu cafis u fidiyay tiro badan oo maxaabiis ah.

Mas’uuliyiinta maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay maxaabiistan la sii daayay in ay isugu jiraan qaar dhameystay waqtigoodii iyo qaar kale oo ka mid ahaa ururada nabad diidka waa sida uu madaxweynaha hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in shaqo abuur loo sameynayo.

“Maxaabiis badan baa Xukuumadu ay cafiday, qaar baa waqtigoodii u dhamaaday, qaar kalena waxa ay ka tirsanaayeen ururka nabad diidka, shaqo abuur ayaa loo sameynayaa, sanadkata waan sii deynaa maxaabiista” ayuu yir madaxweyne Cabdi Maxamuud.

Dadkaan faraha badan ayaa laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeeniya ee magaalada Jigjiga ee Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

Marka dhinaca kale la eego sii deynta maxaabiistan ayaa timid xili wada hadallo u bilaawdeen ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]