Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Xaaladda magaaladda Ghouta ayaa laga dayrinayaa xilli
wali golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay isku afgaran la'yihiin qaraar
dagaalka lagu joojinyo.
Farnsiiska ayaa
sheegay in haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku guuldaraystaan in
ay caawiyaan boqolaalka qof ee rayidka ah ee ku xanniban dagaalka Suuriya ay la
micno tahay dhimasahda ururka.
Danjiraha
dowladda Faransiiska, Francois Delattre, ayaa sheegay in in Qaramada Midoobay
oo caawin wayso dadka bariga Ghouta ku tabaalaysan ay luminayso kalsoonidii
lagu qabay.
Mar sii horeysay
Ruushka ayaa sheegay in qaraarka xabad joojinta ee ay soo jeediyeen Sweden iyo
Kuwait ay tahay in isbadal lagu sameeyo.
Balse
dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa waxay sheegeen in Ruushka ay doonayaan in
dib ay u dhigaan qaraarka si taasi ay fursad u siiso in dowladda Suuriya ay sii
wado weerarka.
Danjiraha dowlada
Sweden u fadhiya Qaramada midoobay Olof Skoog oo wadankiisa uu soo jeediyay
qaraarkan ayaa sheegay in dalabka Ruushka la tixgaliyo.
Danjiraha ayaa
sheegay in ay tahay in la eego isbadalka ay dalbadeen Ruushka maadaama ay
muhimadda tahay in dadka gargaar la gaarsiiyo.
Xigashada Warkan/BBC