4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeraya doorashada xubnaha baarlamaanka

 

Jimco, Feberaayo, 23, 2018 (HOL) – Waxaa maanta oo Jimco ah dalka Jabuuti ka bilaabaneysa codbixinta doorashada baarlamaanka oo ay ku tartamayaan Xisbiyada siyaasada dalkaas.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa VOA u sheegay ayaa sheegay in ay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay codbixintu ka socdaan.

Waxaa uu meesha ka saaray in jiro tuhun ah in doorashada lagu gacan bidxaynayo mucaaradka, wuxuuna sheegay in ay taasi tahay kalsooni darro, isagoo intaa raaciyay in mucaarad iyo muxaafadba ay halkaasi u joogi doonaan wakiillo.

Lixdii aroornimo ee Saakay ayay cod-bixintan si isku mid ah ugu billaabatay dhammaan gobollada dalka, iyadoo ay Kuraasta ugu badan oo ah 35 ay taallo magaalada caasimadda ah ee Jabuuti.

Doorashada Baarlamanka dalka Jabuuti ayaa haddii uu ku guuleysto Xisbiga talada haya ee UNB waxay fududeyn kartaa in markii shanaad xilka madaxtinimo loo doorto madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]