4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 23, 2018
Maamulka Koonfur Galbeed oo digniin u diray dadka Garsoorka u doonta Al-shabaab

 

Jimco, Feberaayo,  23, 2018 (HOL)-Maamulka gobolleeka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo saaray digniino ku aadan dadka u Maxkaamdaha u doonta deegaanada ay maamulaan Al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xassan ayaa sheegay cid kasta oo loo arko in ay tagayaan meelaha Shabaab ay joogaan in aysan ku soo laabaneyn degaanada uu Maamulka ka taliyo.

Wasiirka ayaa sheegay in ganacsatada iyo dadka ku dhaqan deegaannada Koonfur galbeed uga digayaan in ay arrimahaa ku dhaqaaqaan,

“Al-shabaab waxaa ay  bilaabeen in ay u wacaan ganacsatada, lacagana ay soo saaraan, iyaguna ay aadaan, dowladdu go’aan ayay ka soo saartay cidii Al-shabaab aada kuma soo laabanayso degaanada Maamulka uu ka taliyo” ayuu yiri wasiir Xassan.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga degaanada Shabaab ay ka joogaan Koonfur Galbeed, si ay ugu soo xukumaan arrimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.

Guud ama inta badan marka aad eegto deegaannada ay maamusho dowladda Soomaaliya shacabka ku dhaqan ayaa marka ay is qabtaan waxaa ay Garsoor iyo maxkamad u tagaan deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, halkaa oo lagu soo kala saaro, iyadoo dhinaca kale degmooyinka ay maamusho dowladda ka jiraan xarumihii Garsoorka iyo maxkamadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]