Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la
dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa
aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku
leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma.
Waxa ay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa
ka qabsaday isaga oo aanan ka mid ahayn, islamarkaasna xitaa mararka qaarkood
magacaabayay xubnaha golaha wasiirada qaar si uu uga helo abaalmarin.
Illaa 3 qof ayaa illaa iyo hadda lasoo xiray , oo uu ka mid yahay mid ka mid
ah ragga la dhashay Atul Gupta.
Qoyska Gupta ayaa intii muddo ahba waxaa lagu eedeynayay in saaxiibtinimada
kala dhaxaysa madaxweyne Zuma awgeed ay ku heleen lacago badan si musuqmaasuq
ah, islamarkaasna u yeesheen saamayn siyaasadeed oo aanan caadi ahayn. Balse
iyaga waa ay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.
Xilliga uu hawlgalka kusoo beegmay ayaa ah xili madaxweyne Zuma loogu baaqay
in uu xilka ka dego, lagana yaabo in saacadaha iyo maalmaha soo socda uu ku
dhawaaqo in uu is casilay. Zuma laftiisa ayaa loo heystaa dacwado badan oo
la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdabo marin.
Laanta Hawks oo ka tirsan booliiska waxa ay u qaabilsantahay baaritaanada
dambiyada mudnaanta koowaad leh, waxayna sheegeen in ay baarayaan guriga oo ah
mid aad u weyn oo gidaaro waaweyn ku xeendaabanyihiin.
Mar sii horeysay ciidanka waxa ay galeen beer aseendo ah oo meel gobol ah ku
taala, taas oo ay qoyskan leeyihiin, lagana yaabo in caddeymo halkaas laga
heley uu horseeday weerarka maanta guriga lagu qaaday sida ay tabinayso
warbaahinta Koonfur Afrika.
Beertan oo ku taala meel u dhow magaalada Vrede ee gobolka Free State ayaa
lagu magacaabaa Estina, waxaana lagu xanaaneeyaa lo’ badan oo caano laga liso,
ujeedkuna uu ahaa in nolosha dadka madoow lagu soo kobciyo, hase yeeshee qoyska
Gupta ay ka macaasheen lacago badan si sharci darro ah.
Waa qoys hunuud ah oo sanadkii 1993-dii kasoo haajiray dalka Hindiya,
yimidna Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka hirgaliyeen ganacsiyo badan.
Ganacsiyada ay leeyihiin waxaa ka mid ah godadka macdanta laga qodo,
gaadiidka cirka, tamarta, saxaafadda, iyo waliba shirkad tijnoolajiyadda ah.
Waa saddex wiil oo wada dhashay, waxaa lagu kala magacaabaa Atul, Rajesh iyo
Ahay. Waxaa aad loogu yaqaanaa saaxiibtinimadooda Zuma.
Waxyaabaha aadka loo tabiyay waxaa ka mid ah in aroos loo dhigay gabadh uu
midkood dhalay in lagu galbiyay baabuurta dowladda, islamarkaasna diyaaradihii
siday dadkii kasoo qeybgalay xafladda in laga soo dajiyay garoonka militariga
ee Waterkloof ee Pretoria, halkaas oo ay mamnuuc tahay in dad shacab ah
isticmaalaan, laguna xifdiyay xeer baarlamaanka uu meelmariyay oo la yiraahdo
‘National Key Points Act’ kaas oo ka hadlaya goobaha dowladda ee aadka muhiimka
u ah, sirta qarana ah sida Madaxtooyada iyo garoonkaas.
Waxaa kale oo reerkan lagu heystaa in wasiir ku xigeenkii hore ee maaliyadda
Mcebisi Jonas uu sanadkii 2016 ay reer Gupta u yabooheen in ay siinayaan $50
milyan oo dollar , kadibna ay ka dhigayaan wasiirka maaliyadda, waa haddii uu
iyaga u hoggaansamo.
Waxaa xigay in warbixin hay’ad dowli ah oo madax banaan ay soo saartay, taas
oo lagu sheegay in reer Gupta iyo Zuma ay ka wada shaqeeyeen sidii ay u heli
lahaayeen qandaraasyo dowladeed si sharci darro ah.
Xigashada Warka : BBC