4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2018
Laan cusub oo maqaayadda Kulan Caffe oo Nairobi laga furey


Jimco,December,07,2018 (HOL) - Munaasabad lagu furayey maqaayada Kulan Caffe laanteeda saddexaad, ayaa lagu qabtay shaley magaalada Nairobi ee dalkan Kenya, iyadoo ay kasoo qeyb galeen xaflad madax iyo ganacsato fara badan.

Waxaa furitaankeedii ka qeyb galey siyaasiyiin, ganacsato, mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda Kenya, oo uu kamid yahay xildhibaanka degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi, iyo maamulka maqaayada cusub ee Kulan Caffe.

Ganacsatadii iyo waxgaradkii madasha lagu furayey maqaayada ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey furitaanka Kulan Caffe, iyagoo maamulka maqaayada cusub ku dhiira galiyey balaarinta xarunta ganacsi ee Kulan Caffe, maadaama ay shaqa abuur u tahay dhalinayo badan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo goobta ka hadlay, ayaa maamulka maqaayada Kulan Caffe kaga mahad celiyey balaarinta ay wadaan, isagoo sheegay inu ku faraxsan yahay in qeybtii koobaad ee maqaayada Kulan Caffe laga furay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

“Maamulka maqaayada Kulan Caffe waxaan ku amaaneynaa dedaalka ay wadaan iyo balaarinta maqaayada. Kulan waliba waxaa ku dhiira galineyna horumarkooda, waxaan rajeynaynaa in maqaayada Kulan Caffe ay gaarto meelo badan oo kamid ah caalamka”, ayuu yiri Yusuf Xasan.

Milkiilaha maqaayada cusub ee Kulan Caffe Xasan Warsame, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha ay qaban doonto maqaayada cusub ee uu furay, iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay maqaayadaha kale ee ku yaalla magaalada Nairobi.

“Waa maqaayadii saddexaad ee aan ka furno magaalada Nairobi, waliba qeybtii koobaad ee Kulan Caffe waxaan ka furnay xaafada Islii, waxaa mar waliba aynu ka shaqeyn jirney sidii aan usii balaarin laheyn maqaayada Kulan Caffe”, ayuu yiri maamulka maqaayada ee Xasan Warsame.

Maqaayada Kulan Caffe oo ah maqaayad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, ayaa xaruntan cusub ee ay ka furtay magaalada hoose ee Nairobi, waxey noqoneysaa xaruntii saddexaad ee maqaayadda.