Ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo guddoomiyay shirka Billaha ee looga hadlo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay Shir Bil-laha ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee SDRF, kaas oo looga hadlayo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.
Shirka waxaa warbixin looga dhageystay Wakiillada matalayay Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka,iyadoo ay ka qaybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya , wakiillo ka socday Dowlad Gobolleedyada , Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Beesha Caalamka .
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay halkaasi kusoo bandhigtay tubaha Afarta ah ee kala ah siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, arrimaha Bulshada ,dhaqaalaha iyo hormarka la gaaray Sanadkaan dhamaadka ah ee 2018 ka.
"Shirkaan waa shir Bil-le ah, waxaana Maanta shir Guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka Dalka waxaa diiradda lagu saaray horumarkii la gaaray Sanadka 2018 ka, waxaan soo bandhignay tubaha Afarta ah ee saldhigga u ah shaqada Xukuumadda, sida tubta amniga iyo cadaaladda tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya". ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya,Xasan Xuseen Xaaji oo warbaahinta la hadlay markii uu shirka soo dhammaaday.
Shirkan ayaa daba socda shirar dhowr ah oo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ay yeeshaan.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]