4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Warbixin : Xabad joojintii Yemen oo burburtay

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Warbaahinta dalka Yemen ayaa shaacisay in Heshiiskii xabad joojinta ahaa ay kala saxiixdeen dhinacyada ku dagaallamaya dalka Yemen uu burburay daqiiqado un ka hor inta aanan la gaarin wakhtigii kama dambaysta aheyd ee laga filayay inay dhaqangeliyaan.

Kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda oo ah dhinacyada ku dagaallamaya Yemen ayaa ku heshiiyay inay joojinayaan dagaallada ka socda magaalada dekedda leh ee Xuddeydah.

Xilliga kama dambeysta ah ee la dhaqan gelinayay heshiiska ayaa ku ekaa saqda dhexe ee wakhtiga dalkaasi.

Balse waxaa lagu soo warramaya in magaalada Xuddeydah ay dib uga qarxeen dagaallo u dhexeeya fallaagada Xuuthiyiinta iyo ciidammo taabacsan dowladda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dagallamayaasha Xuuthiyiinta ay gantaallo ku rideen bariga dekedda Xuddeydah.

Mid kamid ah dagallamayaasha dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay weli dagaallada taagaan yihiin.

Xuddeydah ayaa 140 Kilomitar u jirtaa galbeedka magaalada caasimadda ah ee Yemen, waana magaalada afaraad ee ugu weyn dalkaasi.

Xigasho BBC