4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2018
Faah faahin : kulan xalay Muqdisho ku dhaxmaray RW Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Magaalada Muqdisho waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta ayaa looga wada hadlay xalinta khilaafka ka abuurmay mooshinka xil ka qaadista ah ee xubno ka tirsan Golaha Shacabka ka keeneen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdi Cali Xassan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka labada mas’uul uga waramay VOA ayaa sheegay in uu ku soo dhamaaday is afgarad.

Wuxuu sheegay in kulanka uu ahaa mid horeyba loo sii diyaariyay oo ay ka soo shaqeeyeen guddi ka tirsan Golaha Shacabka oo isku xil saaray dhameynta khilaafka Golaha Shacabka iyo madaxtooyada, isaga oo intaa ku daray in horey ay isku soo arkeen guddigan iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka waxey ka wada hadleen sidii Baarlamaanka iyo xukuumadda ay u wada shaqeyn lahaayeen, caqabadaha taaganna is afgarad iyo wada hadal loogu dhameyn lahaa’’ rajo fiicanna waxaan ka qabnaa in arrimaha oo dhan is afgarad ku dhamaan doonaan’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Cali ayaa meesha ka saaray in ay jiraan xildhibaanno kala qeybsan marka laga soot ago sida uu hadalka u dhigay in rayiga lagu kala duwan yahay oo kaliya’’ Xildhibaanno Labo garan kala noqday ma jiraan, kaliya ra’yiga ayaa lagu kala duwan yahay’’ ee waxa qeybsamay waa guddoonkii Golaha Shacabka, taasoo keentay kulamadii Golaha ay furmi waayaan’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

In Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ku kulmaan xarunta Wasaarradda Waxbarashada ayaa ah calaamad  muujineysa in wali aan xal waara laga gaarin khilaafka taagan, horeyna waxaa u jirtay in gudoomiyaha Golaha Shacabku uu ka soo guuray hoygii uu ka degenaa madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay xukuumadda in ay cadaadis dhinaca dhaqdhaqaaqa ah saartay.

Xildhibaannada isku xil saaray xal u helida khilaafka Golaha Shacabka iyo madaxtooyadda ayaa rajo badan ka qaba in ugu danbeyntii lagu guuleysto dibna loo furo kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]