4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku riday wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartey kiis ku saabsan musuq-maasuq loo haystay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa'uud.

Wasiir ku-xigeenka ayaa horay shaqo joojin loogu sameeyay bishii Augus ee sannadkan ,kaddib markii xafiiska Hantidhowrka iyo Xeer illaaliyaha qaranka ay ku soo oogeen eedeymo la xiriira inuu ku kacay musuqmaasuq iyo ku tagri-fal hantida dadweynaha.

Ugu horeyn Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed.

Waxaa uu weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha.
Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Dhanka kale, qareennada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobbada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka Mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]