4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Dowladda oo markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay u dacwoodeen Al-shabaab

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dad u soo xirtay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadaha Al-shabaab oo inta badan marka la eego shacabka ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho ku xukuntamaan.

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo u dacwooday Al-Shabaab, kuwaasi oo decumenti been abuur ah ay wateen awgeed maxkamada Gobolka iyo tan racfaanka ay go’aan uga gaareen.

“Afar Qof ayaa loo dirray waaran oo intey ka dacwoodeen gobolka laga soo xukumay kadibna racfaan soo qaatay,Garsoorihii ku qornaa ayaa dacwadda dhageystay oo baaris u diray xeer ilaalinta,waxaa ay soo saartay xeer ilaalintu in decumentigooda uu been abuur yahay, kaddibna inta ay carareen ayeey u dacwoodeen Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir.

Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa tilmaamay in labo ka mid ah afarta ruux ay maqan yihiin halka labada kale ay xiran yihiin ,kuwaas oo uu sheegay iney argagixisada u aadeen si ay cabsi geliyaan dadka dacwada kala dhaxeysay una handadaan muwaadiniinta kale.

Dhan kale,Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya la xiray kaddib markii uu gacantiisa ku sameystay decument been abuur ah,I slamarkaana uu isticmaalay.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga ayaa horay uga digay dadka in ay cadaallad ka raadiyaan maxkamadaha Al-shabaab ee ku yaalla deegaannada ka maqan gacanta dowladda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]