4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo magacaabay wasiirka Wasaarradda Howlaha Guud

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib -u dhiska u magacaabay Cabdi Aadan Hoosoow.

Booska loo magacaabay Hoosoow ayaa waxaa maalintii shalay banneeyay Cabdifitaax Geeseey oo ku eedeeyay dowladda in ay fara-galin ba'an ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Magacaabistan oo aheyd mid dg deg ah ayaa u muuqata mid ra'iisal wasaaruhu uga jawaabayo xaaladaha ka  jira Koofur Galbeed, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada  Federaalka ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku heyso arrimaha  doorashada Koofur Galbeed.

Wasiir  Geesey oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo xilka  Wasiirka Howlaha Guud ku magacaabnaa muddo dhowr bilood ah ayaa ku  tilmaamay sababaha uu isku casilay inay aheyd faragelinta ay dowladda ku  heyso Maamulka Koofur Galbeed iyo xariggii Mukhtaar Roobow.

 Xukuumadda uu hoggaamiyo ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa muddadii ay jirtay waxaa xilalkii ay hayeen iska casilay ama laga qaaday Wasiirraddii ugu badnaa marka loo eego xukuumaddihii ka horeeyay ee dalka soo mara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]