4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Jidadka Muqdisho oo dhamaanba saakay xirran

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo la soo dhigay dhamaanba isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo dhamaantoodba saakay xirran.

Waxaa xiran oo aan loo ogoleyn in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha jidadka iyo isgoysyada Jidka Sodonka, Tarbuunka, Banaadir, illaa Ex Koontarool Afgooye.

Dadweynaha magaalada ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya madaama maanta ay tahay maalin shaqo oo dadku ay tagayaan goobahooda ganacsi, dugsiyada waxbarashada iyo howlmaalmeedkooda kale ee caadiga ah.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo xiray magaalada laakiin waxaa ay arintan imaneysa iyadoo maanta Xisbiga Wadajir ah uu xusayo weerarkii maanta oo kale 17 December sanadkii 2017 lagu qaaday Hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo dowladdu xirtay, weerarkaas waxaa lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa iyo darawal.

Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha hay’addaha Amniga midkoodna war kama uusan soo saarin xernaashiyaha magaalada oo dadku su’aalo iska weydiinayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]