Isniin, December, 17, 2018 (HOL)– Deegaanada
ku teedsan gobolka Jubadda Dhexe ayaa la qorshay-nayaa in ay ka dhacaan howlgalo
ballaaran oo ay si wada jir ah ay u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed,kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka Jubbaland oo isgarabsanaya si
xoogagga Al-shabaab looga saaro gobolkaasi.
War ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay
in uu howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Al-shabaab looga
xoreeyo guud ahaan dalka, Charles Tai Gituai oo ah taliye ku-xigeenka howlgalada
ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha howglakan ay horey u meel mariyeen
Midowga Afrika,taasi oo qeyb ka ah qorshaha AMISOM ay dalka kaga baxayso marka
ay amniga ay ku wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
‘’Waxaanu la kulanay madaxweyne kuxigeenka
Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,waxaana ka wada hadalnay sidii loo hirgelin
lahaa qorshaha howlgaladaasi oo 30, bishii Novermber ee sanadka ay Addis Ababa
ku ansixiyeen madaxda Midowga Africa,sidoo kale waxaana kala hadalnay qaabka
ugu haboon oo ay isaga kaashan karaan howlgaladaasi ciidamada AMISOM kuwa xooga
dalka iyo Jubbaland’ ayuu yiri Charles Tai Gituai’’.
Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in gobolak
Jubbalad Dhexe la rumeysan yahay in saldhigyo sida uu hadalka u dhigay ay ku dhuumaalaysastaan
Al-shabaab ay ku yaalaan, halkaasi oo ay ka soo abaabulaan weerarada
qorsheysan,balse ay ka hortagi doonaan.
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid
Aadan ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab looga cirib tiri lahaa deegaanada Jubbaland, iyagoo
kaashanaya Militariga Soomaaliya iyo AMISOM.
Taliye kuxigeenka AMISOM Charles Tai Gituai
oo ay wehliyaan saraakiil ayaa tagay deegaanka Dhoobley ee gobolka
Jubbada Hoose, waxaana la filayaa in booqasho taasi la mid ah ay ku tagaan
magaaloooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Baydhabo, iyagoo qiimeyn ku sameynaya
nayaan baahiyaha ciidamada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]