Axad, December, 16, 2018 (HOL)–Warar
soo baxaya ayaa sheegaya in Is afgarad laga gaaray kulan maanta magaalada
Muqdisho ku dhaxmaray guddoonka sare ee Golaha Shacabka, gaar ahaan
guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen.
Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo
ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanno isku xil saaray
in ay kulankaasi ka shaqeeyaan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in kulankii
guddoonka sare ee Golaha Shacabka uu ugu danbeyntii ku soo idlaaday is afgarad.
‘’Kulanka wuxuu ahaa kulan ay ka
soo shaqeeyeen xildhibaanno iskood isku xil saaray, kulankooda markii danbe wuxuu ahaa mid
albaabada u xirnaa oo saddexdooda oo kaliya isku arkeen, markii uu soo
dhamaadayna waxaa ay inoo sheegeen in ay is afgarteen dhawaanna dib u bilaaban
doonaan kulamadii Golaha Shacabka’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow.
Ma uusan bixin xildhibaanka faah
faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira wax yaabaha ay isku afgarteen guddoonka
Golaha Shacabka.
‘’Guddoonka waxaa uu inoo sheegay
oo kaliya in wixii madmadow ah ee jiray meesha baxeen kulamadii baarlamaankana
dib u bilaaban doonaan ‘’ ayuu yiri xildhibaanka.
Kulanka waxaa ka muuqday
xildhibaanno ka wada tirsan Golaha Shacabka laakiin labada dhinac kala
taageersanaa, kuwaa oo la sheegay in ay ka soo shaqeeyeen kulanka guddoonka
Golaha Shacabka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]