4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2018
Shirkadaha SKA iyo TOYOTA oo maanta tababar usoo xirey Dhalinyaro bartay cilmiga Baabuurta


Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Tababarkan oo soconayay mudo sideed bilood ah ayaa maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka waxaa loogu sooxirey sadax dhalinyaro Soomali ah oo soobartay cilmiga baabuurta.

Dhalin-yaradan somaliyeed ayaa mudada sideeda bilood tababarka ku  baranayay cashiro kala duwan oo laxiriira gawaarida iyadoona maanta  la gudoon siyay shahaado muujineysa cilmigii ay soo barteen.

Sadaxdan  dhalin-yarada ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in  mudada uu tababarka u soconayay ay kusoobarteen cashiro laxiriira  gawaarida islamarkaana ay uga faa'idey doonan dhalinta aan fursada u  helin tababarada ceynkaan oo kala ah.

Maxamed  Qaasim Ali " Waxaa farxad in oo ah inaa noqonay dhalin-yaradi ugu  horeysay ee tababarkan soo qaato runtii Cilmi kala duwan ayaan ku soo  baranay muddada uu inoo socday waana sii wadi doona barashada cilmigan  gawaarida".

Ali Mohmed Xuseen" marka hore  waxaan uga mahad celinaa cilmigan aan soo bartay shirkada SKA Group iyo  macalinkii tababarka i siinayay mudada sideeda bilood ah, cilmigan aan  soobartay waxaan uga faa'ideyn doona dhalinyarada asaakeyga ah ee aan  fursadan hillin"

Yuusuf Ali Abdi  " Mudo badan  ayaan ku haminaye inaa cilmigan barto waana sii wadi doona  barashadiisa,waxaana ugu mahad celinaa shirkada SKA Group oo inoo furtay  tababarka"

Petrus Francois oo ah macalinka  bixinaya tababarkan socday mudada sideeda bilood ah ayaa Sheegay inuu  siiwadi doono tabarsiinta dhalinyarada somaliyeed si loo helo dhalinyaro Soomali ah oo aqoon buuxda u leh gawaarida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]